Rivaldo Oo Magacaabay Laba Xiddig Ee Ugu Cad-cad Abaalmarinta Ballon d’Or-ka

Rivaldo ayaa ku taageeray labada ciyaaryahan ee Barcelona Lamine Yamal iyo Raphinha abaalmarinta Ballon d’Or sanadkan.

Waxa uu aaminsan yahay in ay ahaayeen kuwa ugu fiican ilaa hadda waxana uu meesha ka saaray xiddigaha Vinicius Jr. iyo Mohamed Salah.

Isagoo la hadlayay SPORT, Rivaldo ayaa ku andacooday in uusan u arag cid kaga horraysa Yamal iyo Raphinha tartanka abaalmarinta.

Waxa uu intaa ku daray in Salah iyo Vinicius Jr. ay ku jiraan xilli ciyaareed wanaagsan, laakiin guusha ugu dambeysa ay u badan tahay in la go’aamiyo cidda ku guuleysata koobab badan.

“Wakhtigan ma arko cid ka horaysay Yamal iyo Raphinha”.

“Meel ka baxsan Spain Salah ayaa ugu cad-cad sabab la xidhiidha qaab ciyaareedka uu ku jiro”.

“Sidoo kale Vinicius ayaa Mar walba ku jiraya tartanka Laakiin tani waxay wax badan ku xirnaan doontaa Barcelona iyo awooda ay u leeyihiin inay ku guuleystaan koobab wadareed. Labaduba waxay ku jiraan qaab ciyaareed wanaagsan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga