Rivaldo: Lautaro Martinez Ma Ahan Xalka Barcelona, Halkan Xiddig Ayaa Ku Soo Celin Kara Halka Ugu Saraysa.

Kooxda Barcelona ayaa bartilmaameedkooda ugu weyn suuqa xagaaga ka dhigtay xiddiga kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez laakiin xiddigii hore ee kooxda ee Rivaldo ayaa rumaysan in ay Barcelona samaynayso khalad kale hadii ay u dhaqaaqdo saxiixa Lautaro Martinez isaga oo kula taliyay in uu Neymar yahay xiddiga ay u baahanyihiin.

Rivaldo ayaa wakhtigiisii ugu fiicnaa ku qaatay kooxda Barcelona waxana uu sheegayin ay kooxdu dalab macquul ah miiska u saarto PSG si ay u helaan saxiixa Neymar.

“Lautaro ma ahan Halka Barcelona wakhti xaadirkan, Neymar ayaa ku soo celin kara halka ugu saraysa kubada cagta waana in ay ka dhigtaan bartilmaameedkooda ugu muhiimsan”ayuu Rivaldo yidhi.

“Uma malaynayo in ay diirada saaraan xiddig kale, kaliya waa in ay soo celiyaan Neymar si ay u dhisaan koox awood leh”.

“Barcelona waa in ay PSG miiska u saarto qiimo macquul ah si ay u hesho Neymar marka loo eego in ay Neymar diyaar u tahay in ay aqbasho”.

Advertisements

“Lautaro Martinez waa 22 jir waxana uu wali u baahanyahay in uu khibrad helo”.

“Waxa uu u baahanyahay khibrad fiican oo ka dhigta ciyaartoy fiican”.

“Arintaas ayaana ka dhigaysa in uu noqdo xiddiga sare Mustaqbalka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*