Rio Ferdinand & Owen Hargreaves Oo Magacaabay 2 Kooxood Ee Isugu Iman Doono Finalka Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Halyeeyada Rio Ferdinand & Owen Hargreaves ayaa saadaaliyay in ay kooxda PSG iska Xaadirin Doonto Final-ka champions Leaugue xilli ciyaareedkan.

8-da kooxood ee ugu dambaysa ayaa la xaqiijiyay kadib markii ay Barcelona iyo Bayern Munich soo bexeen kuwaas oo iska hor iman doona jimcaha lana ciyaari doona midkood Man City ama Lyon wareega Semi-final-ka.

Dhanka kale kooxda PSG ayaa la ciyaari doonta kooxda Atalanta halka RB Leipzig la ciyaari doonto kooxda Atletico Madrid wareega xiga ee 8 dhamaadka.

Rio Ferdinand & Owen Hargreaves ayaa dareensan in ay kooxda PSG tahay kooxda ugu adag kooxaha ku jira isku aadkaas Final-kana la kulmi doonto Bayern Munich.

Rio Ferdinand oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi “Waxa aan saadaalinayaa in ay PSG gaadho Final sababta oo ah xiddigaha Kylain Mbappe iy Neymar ayaa ah kuwo fiican”.

“Waxana aan dhanka kale saadaalinayaa in ay Bayern Munich kula kulanto Finalka sababta oo ah waxa ay u ciyaarayeen si fiican”.

Owen Hargreaves ayaa raaciyay”Waxan u malaynayaa in ay PSG Final-ka gaadhi doonto, waxana u malaynayaa in ay Bayern kula kulmi doonaa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*