Rio Ferdinand & Owen Hargreaves Oo La Yaabay Shaqada Ixtiraam Darada ah Ee Loo Dhiibay Lionel Messi Kulankii PSG.

Rio Ferdinand iyo Owen Hargreaves ayaa aamini waayay indhahooda markii ay arkeen Lionel Messi oo jiifa Dhulka darbiga PSG ee lagu joojinayay laadkii xorta ahaa ee uu helay xiddiga Riyd Mahrez.

Messi ayaa ugu dambayn dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda PSG kadib markii ay kooxdiisu 2/0 ku garaacday kooxda Man City kulan uu Messi muujiyay tayadiisa soona bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Si kasta ha ahaatee waxa muran badan dhaliyay markii la arkay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta in uu Lionel Messi dhulka jiiftay si uu u difaaco laadkii xorta ahaa ee ay kooxda Man City heshay.

“Waan rumaysan kari waynay”ayuu Hargreaves u sheegay BT Sport.

“Messi waxa uu ka mid yahay xiddiaha ugu fiican taariikhda kubada cagta, hadii uuna ahayn midka ugu fiican”.

Ferdinand ayaa dhankiisa yidhi” Markii uu tababare Mauricio Pochettino waydiiyay Messi in uu dhulka seexdo, waxa ay ahayd in uu qof yidhaahdo, “Maya, Maya, Maya, arintan ma ahan in ay ku dhacdo Leo Messi”.

“Ma samayn kartid sidan, waa Ixtiraam daro, hadii aan ku jiri lahaa kooxda, waxa aan odhan lahaa aniga ayaa badalkaaga seexanaya”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Gabadheey!! Ma Doonaysaa In Aad Ogaatid In Uu Ninku Yahay Mid Kugu Haboon Adiga, Ma Doonaysaa In Aad Ku Ogaatid Shakhsiyadiisa Kulanka Ugu Horeeya, 3-dan Su’aal Ayaa Kaaga Filan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*