Rio Ferdinand Oo Trent Alexander-Arnold Bar-Bar Dhigay Cafu

Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa xiddiga daafaca Liverpool ee Trent Alexander-Arnold bar-bar dhigay Halyeeyga reer Brazil ee Cafu.

Alexander-Arnold ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu fiican Liverpool labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay isaga oo haatan lagu qiimeeyo xiddigaha ugu fiican booskiisa.

21 jirkan ayaa dhigay rikoodh cusub oo dhanka caawinta goolasha ah daafac ahaan xilli ciyaareedkan isaga oo sameeyay 12 caawin waxana uu amaan ka helay xiddiga Ferdinand.

“Waxa aan arkay kulankii Atletico Madrid qaybtii hore, hadii uu jiro da’yar doonaya in uu ciyaaro kubada cagta waliba ka ciyaaro daafaca Midig ha daawado qaybtii hore ee kulankii Atletico Madrid”ayuu yidhi.

“Waxa uu u ciyaaray si fiican waxana uu soo bandhigay wax walba, Trent waa ciyaartoy cajiib ah, waxba igama galin hadii uu u ciyaarayo Liverpool iyo hadii kale”.

Advertisements

“Xiddigii ugu dambeeyay ee sida uu u ciyaaro u ciyaaray ayaa ahaa Cafu kaas oo ahaa xiddiga ugu fiican wakhtigaas”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*