Rio Ferdinand Oo Tilmaamay Xiddig Muhiim U Ah Arsenal Wakhtigan Xasaasiga Ah.

Rio Ferdinand ayaa sheegay in ciyaartoyda Arsenal aysan awoodin inay noqdaan kuwo wal-walsan inkasta oo hoggaankoodii tartanka horyaalka Premier League uu yaraaday kadib markii Manchester City soo dhowaaday.

Arsenal waxay daqiiqado u jirtay inay hesho farqi weyn oo sagaal dhibcood ah hoggaanka sare, xilli Manchester City ay 1-0 uga dambeysay Liverpool garoonka Anfield horaantii bishan.

Laakiin kooxda Pep Guardiola ayaa sameysay soo laabasho cajiib ah daqiiqadihii dambe, waxayna ku badisay 2-1, taasoo – sida ay qabaan falanqeeyayaal badan – sii nooleysay tartanka horyaalka Premier League.

Manchester City ayaa markaas si xoog leh 3-0 ugu garaacday Fulham, kadibna waxay daawatay iyadoo hoggaamiyeyaasha Arsenal ay lumiyeen labo dhibcood markii ay 1-1 la galeen Brentford.

Natiijooyinkaas waxay ka dhigan yihiin in Arsenal, oo doonaysa inay ku guuleysato Premier League markii ugu horreysay tan iyo 2004, ay hoggaanka ku hayso afar dhibcood oo ka sarreeya Manchester City, iyadoo ay harsan yihiin 12 kulan.

Arsenal ayaa booqan doonta kooxda ku jirta kaalinta ugu dambeysa ee horyaalka, Wolverhampton Wanderers, habeenka Arbacada, ka hor inta aysan la ciyaarin derbiga weyn ee ay la leeyihiin deriskooda Waqooyiga London, Tottenham Hotspur, dhammaadka toddobaadkan.

Dhanka kale, Manchester City, oo ku guuleysatay lix ka mid ah siddeedii horyaal ee ugu dambeeyay, ayaa ku soo laaban doonta ciyaaraha Premier League Sabtida marka ay la ciyaarayaan Newcastle United.

Rio Ferdinand weli wuxuu aaminsan yahay in Arsenal ay soo afjari doonto sugitaankeedii dheeraa ee koobka Premier League, balse wuxuu sheegay inay muhiim tahay in kooxda Gunners ay “si sax ah uga falceliso” barbarrihii ay la galeen Brentford.

Ferdinand, oo lix jeer ku guuleystay horyaalka, ayaa qiray in arrintani aysan dammaanad ahayn, maadaama ciyaartoy badan oo ka tirsan Arsenal aysan horey ugu guuleysan horyaalka. Sababtaas awgeed, wuxuu sheegay in Gabriel Jesus uu door “aad u muhiim ah” ka ciyaari karo.

Jesus ayaa ku guuleystay afar horyaal oo Premier League ah intii uu joogay Manchester City, ka hor inta uusan £45 milyan ugu wareegin Waqooyiga London sanadkii 2022.

28-jirkan ayaa dhaawac ku seegay bilowgii xilli ciyaareedkan, balse tan iyo markii uu soo laabtay wuxuu muujiyay qaybo ka mid ah qaab ciyaareedkiisii hore, isagoo dhaliyay afar gool lixdiisii kulan ee ugu dambeysay.

Rio Ferdinand, oo ka hadlayay barnaamijkiisa podcast-ka, ayaa sidaan uga yiri barbarrihii ay Arsenal la galeen Brentford:

“Haddii aan dib ugu noqdo xilligii aan ku jiray qolka labiska inta lagu jiro tartanka horyaalka, waa natiijo wanaagsan marka lala ciyaarayo koox adag”

“Iska illaawa magaca ama sumcadda kooxda, xilli kasta kooxuhu waxay noqdaan nooc ka duwan kii aan hore u naqaanay. Brentford waa meel adag in lagu ciyaaro xilli ciyaareedkan”

“Anigu waxaan ku jiri lahaa qolka labiska Arsenal anigoo leh, ‘waxan helnay hal dhibic ok aan ka helnay meel ka baxsan garoonkeena, waan sii soconaa.’ Inkastoo taageerayaashu ay dareen qaadi karaan, ciyaartoydu sidaas ma sameyn karaan.”

“Qodobka ugu weyn wuxuu noqon doonaa: maxay ahayd wada hadalka iyo falcelinta ka dambeysay natiijadaas? Ma waxay ahayd dareen ah, ‘Raggow, way naga sii siibanaysaa, hore ayaan u soo marnay arrintan,’ cabsi yarna ma soo gashay? Mise qaar ka mid ah ciyaartoyda ayaa isu keenay kooxda oo xasuusiyay in dhibco la lumin doono, balse waxa ugu muhiimsan ay tahay sida aad uga falceliso”.

“Yaa wada hadalladaas sameynaya? Halkaas ayay khibraddu ka soo baxdaa, halkaasna Gabriel Jesus laga yaabaa inuu noqdo mid aad muhiim u ah waqtigan, sababtoo ah waa mid ka mid ah ciyaartoyda yar ee qolka labiska ku jira ee wax ku guuleystay”

“Ciyaartoydu waxay raadinayaan jawaabo iyo hagitaan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga