Daaficii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa sheegay in kulanka xiga ee Arsenal ee Premier League ay la ciyaarayaan Bournemouth uu noqon karo mid go’aan ka gaara tartanka horyaalka.
Ferdinand ayaa sheegay in ay rajada horyaalka ee Arsenal ay dhamaan Karto haddii ay ku guuldareystaan inay garaacaan Bournemouth Sabtida.
Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa laga reebay laba tartan labadii toddobaad ee la soo dhaafay, kadib markii ay ka adkaadeen Manchester City final-ka Carabao Cup iyo Southampton wareegga siddeed dhammaadka FA Cup.
Si kastaba ha ahaatee, Arsenal wali waxay ku jirtaa fursad ay ku hanan karto horyaalkoodii ugu horreeyay tan iyo 2004, sidoo kale waxay rajaynaysaa inay markii ugu horreysay ku guuleysato UEFA Champions League.
Waxay haystaan hoggaan 9 dhibcood ah oo ay kaga horeeyaan Manchester City marka la gaaro dhammaadka usbuuca.
“Waxay haystaan Bournemouth usbuuca dhammaadkiisa, waana kulan adag. Haddii aadan guuleysan… waa dhibaato weyn,” ayuu Ferdinand ku yiri kanaalkiisa YouTube.
“Kadib waxaad wajahaysaan Man City oo qaab fiican ku jira usbuuca xiga? Waxay noqon kartaa ‘goodnight’.”
Be the first to comment