Rio Ferdinand Oo Su’aal Ka Keenay Kabtanimada Harry Maguire Ee Man United.

Halyeeyga kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa Harry Maguire u sheegay in uu isku hayo xiddigaha ay isku kooxda yihiin kadib guuldaradii United ka soo gaadhay Arsenal.

Red Devils ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay Arsenal taas oo la macno ah in ay ku jirto kaalinta 15-aad hal dhibic-na ka heleen 12 dhibcod oo premier League ah.

“Waxa naga maqan kalsoonida boosaska qaar, waxa aan kulankii Leipzig helay kalsooni laakiin aad ayay isugu kalsoonaadeen kulankii Arsenal, waxa aan arkay Harry Maguire iyo dhawr xiddig oo kooxda ah kuwaas oo sheegayay in ay shardi ku galayeen kulanka laakiin waa in uu kooxda isku hayo ka kabtan ahaa”ayuu Ferdinand yidhi.

“Waxan rajaynayaa in uu xiddigaha u sheegayo in ay dhagaystaan waxa uu u sheegayo, laakiin uma malaynayo in uu kabtanka Man United sidaas samayno”.

“Waxa mar walba jira hogaamiyayaal qolka labiska ah kuwaas oo waxa ay doonaan iska samaynaya hadii ay tahay gambis ama fursado ay iska khasaarinayaan laakiin waa in aad hubiso in aad wax u sheegto”.

‘Waxa aan xasuustaa Nani, wax badan uma sheegin kaliya saddex kalmadood oo ah “Caawi, gool dhali ama laad”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Madaxweyne Ka Mid Ah Maamul Goboleedyada Somaliya Oo Is Casilay & Sababta Oo La Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*