Rio Ferdinand Oo Su’aal Ka Keenay Baacsiga Ay United Ugu Jirto Jadon Sancho, Una Tilmaamay Xiddiga Ay U Baahanyihiin

Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa kooxdiisii hore u sheegay in ay daafac dhexe la soo saxiixato inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaaga halkii ay la soo saxiixan lahaayeen xiddiga Jadon Sancho isaga oo waliba u sheegay in ay la soo saxiixato daafaca kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano.

Sancho ayaa bartilmaameed muddo dheer u ah United laakiin kooxda ayaa diidan in ay bixiso lacagta Dortmund ee 120-ka milyan ah.

Saxiixa Donny Van de Beek ayaa ah saxiixa kaliya ee kooxda yimid kooxda kadib markii uu 40 milyan oo euro.

Dhanka kale United ayaa qaab ciyaareed xun ku jirta dhanka daafaca iyaga oo guuldaro 3/1 ah kala kulmay Crystal palace halka ay sidoo kale dhibaatoodeen kulankii Brighton.

Halyeeyga Man United ee Ferdinand ayaa u sheegay kooxdiisii hore in uu daafaca Upamecano yahay xiddiga fursaha u noqon dhibaatadooda.

“Muddo dheer ayaan durbaan tumayay sidii ay ula soo saxiixan lahaayeen daafac dhexe”Ferdinand ayaa u sheegay talkSPORT.

“Ma xalinayso dhibaato kasta laakiin waxa uu xalin doonaa dhibaatooyinka ugu waaweyn”.

“Waxa ay u baahantahay arintaas hadii ay Doonayso in ay ku guulaysto wax koob ah”.

“Jadon Sancho waa xiddig tayo leh waxana uu jooji doonaa kooxda muddo dheer sidaas darteed waad fahmaysaa xiisaah kooxda  laakiin aniga ahaan waxay u baahan yihiin daafac dhexe”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*