Rio Ferdinand Oo Solskjaer U Sheegay Wado Uu Harry Maguire Ka Soo Saari Kartaa Qaab Ciyaareed Fiican.

Halyeeyga kooxda Man United ee Rio Ferdinand Ayaa Solskjaer u sheegay in uu Harry Maguire dhawr kulan kaydka dhigo daafaca Harr Maguire si uu dib ugu helo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.

Maguire ayaa si xun ku bilowday xilli ciyaareedka xulka qaranka England iyo Man United isaga oo kaadhka cas loo taagay kulankii uu xulka England guuldarada kala kulmay xulka Denmark.

Daafacii hore ee kooxda Man United Rio Ferdinand ayaa rumaysan in uu Tababare Ole Gunnar Solskjaer door muhiim ah ka ciyaari karo in uu xiddigu dib u helo aab ciyaareedkiisii fiicnaa.

“Xaaladan oo kale, anigunba waan soo maray mararka qaar, waxa aad u baahantahay in aad kulamo kaydka ku qaadato”ayuu Rio Ferdinand u sheegay BT Sport.

“Ole waxa uu gacanta ku hayaa shaqo weyn waxana aan u malaynayaa in uu door muhiim ah ka ciyaari karo dib u helista xiddiga ee qaab ciyaareedkiisa waxana uu u baahanyahay in uu siiyo nasasho yar”.

“Waxa dhacday wakhti uu Sir Alex Ferguson kaydka i dhigay waxana uu waliba maalin walba iila hadli jiray si joogto ah waxana aan u tababaran jiray si adag”.

Sii Akhriso: Macalin U Dhashay Dalka France Oo Qoorta Laga Jaray Kadib Markii Uu Af-Lagaadeeyay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*