Halyeeyga Man United ee Rio Ferdinand ayaa shaaciyay laba walaac oo uu ka qabo Arsenal xilli ay kooxda Mikel Arteta doonayso in ay soo afjarto sugistooda ku guulaysiga premier League.
Arsenal ayaa ahayd koox aan la joojin Karin bilihii ugu horeeyay e xilli ciyaareedka laakiin axa ay dhibco lumiyeen 3 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambaysay premier League.
Kooxda Mikel Arteta ayaa bar-baro la gashay Sunderland Iyo Chelsea ka hor inta ayna guuldaro kala kulmin kooxda Aston Villa.
Gunners ayaa haatan kaliya 2 dhibcood ka horaysa kooxda Man City iyada oo tartanku sii adkaanayo xilli ciyaareedka.
Ferdinand Ayaa hoos u dhigay natiijooyinkii xumaa ee ugu dambeeyay ee Arsenal waxana uu filayaa in ay Arsenal ku guulaysan doonto premier League.
Laakiin Ferdinand oo 6 jeer ku guulaystay premier League markii uu joogay Man United ayaa sheegay in ayna fiicnayn in ay Man City u soo dhawaato Arsenal.
“Arsenal waxay kaliya ka horaysaa Man City oo ah koox aan fiicnayn xilli ciyaareedkan”ayuu yidhi.
Be the first to comment