Rio Ferdinand Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Champions League.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa kooxda PSG u magacaabay kooxda ku uulaysan doonta champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda PS ayaa iska xaadirisay Semi-final-ka champions league iyaga oo garaacay kooxda Bayern Munich waxana ay haatan wareegan la ciyaari doonaan kooxda Man City Semi-final-ka tartanka champions League.

Daafacii hore ee xulka qaranka England Rio Ferdinand ayaa la hadlay wargayska AS isaga oo saadaaliyay kooxda uu aaminsanyahay in ay ku guulaysan doonto champions league xilli ciyaareedkan.

Rio Ferdinand oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Kooxda ku guulaysan doonta Champions League? Aniga ahaan waxa aan aaminsanahay in ay PSG ku guulaysan doonto champions League”.

“Waxa ay leeyihiin Khibrad ay ka heleen final-kii xilli ciyaareedkii hore waxana ay haystaan laba xiddig oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhrso: Sharciyada Jacaylka: Wax Ka Baro 10-ka Sharci Ee Ugu Muhiimsan Ee Jacaylka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*