Rio Ferdinand Oo Saadaaliyay Fursadaha Xulka England Ee Tartanka Euro 2020 Kadib Markii Ay Ku Aadeen Germany Wareega 16-ka.

Rio Ferdinand ayaa qirtay inuu kalsooni ku qabo in uu xulka England iska xaadirin doono wareega 8 dhamaadka tartanka Euro 2020 kadib markii ay ku aadeen xulka Germany wareega 16-ka tartanka Euro 2020.

Xulka England ayaa ku dhamaystay kaalinta 1-aad ee Group-kooda iyaga oo ku aaday xulka Germany kaas oo dhankooda ku dhamaystay kaalinta 2-aad ee Group-kooda.

Kadib markii la shaaciyay isku aadka Halyeeyga xulka qaranka England ee Rio Ferdinand ayaa saadaaliyay in uu xulka England iska xaadirin doono wareega 8 dhamaadka tartanka Euro 2020.

“Waxa aan ku faraxsanahay kulamadii aan daawanay maanta”ayuu Ferdinand u sheegay BBC Sport kadib kulamadii Group-ka F ee tartanka Euro 2020.

“Kulamada bug baxa ayaa sugaya xulka England, waana in ay haatan diirada saaraan”.

“Waxa aan kulanka Germanay galaynayaa aniga oo ku kalsoon in uu xulka England natiijo fiican ka heli doono kulanka Germany”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*