Rio Ferdinand Oo Saadaaliyay 4-ta Kooxood Ee Ku Dhamaysan Doona 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier League Xilli Ciyaareedkan

Rio Ferdinand ayaa saadaaliyay in ay Man City difaacan doonto pemier League xilli ciyaareedkan waxana uu saadaaliyay kooxaha kale ee ku dhamaysan doona 4-ta kooxood ee ugu sareeya tartanka.

Man City ayaa ku guuleysatay horyaalkeedii afaraad muddo shan sano ah xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay xilli ciyaareedka cusub Axada ku bilaaban doontaa kulanka West Ham.

Liverpool ayaa hal dhibic ka hoosaysay kooxda man City xilli ciyaareedkii hore iyada oo maalintii ugu dambaysay lagu kala baxay horyaalka xilli ay chelsea ku dhamaystay kaalinta 3-aad isla markaas Tottenham ku dhamaystay kaalinta 4-aad.

Ferdinand ayaa rumaysan in ay Liverpool tahay kooxda kaliya ee Man city kula tartami karto horyaalka premier League laakiin kooxda Tottenham qaab ciyaareed fiican soo bandhigi doonto.

“Ma eegi karo meel ka fog Man City”ayuu Ferdinand Yidhi.

“Waxa ay sameeyeen saxiixyo cajiib ah, Haaland ayaana ku soo biiray xagaagan”.

“Waxa ay haystaan koox xoogan waxana aan dareensanahay in ay iyagu ku guulaysan doonaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan”.

“4-ta kooxood ee ugu sareeya waxa ay noqon doonaan man City, Liverpool, Tottenham iyo Man United”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*