Rio Ferdinand Oo Qiimeeyay Fursadaha Man United Ee Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa sheegay in ay xiddigaha Man United iska khasaariyeen fursadooda ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Red Devils ayaa hogaaminaysay horyaalka premier League dhawr todobaad ka hor intii ayna ka dhaadhicin kaalinta 1-aad kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo 5 dhibooc ka dambeeya kooxda Man City.

Rio Ferdinand oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Ma difaaci kartid xiddigaha Man United”.

“Man United ayaa hogaaminaysay horyaalka premier League maalmo ka hor”.

“Marka aad eegto kala saraynta premier League waliba aad eegto halka aad kaga jirto horyaalka waxa aad noqonaysaa mid xiisaynaya ku guulaysiga horyaalka”.

“Man United waxa ay heshay fursad ay ugu guulaysato horyaalka laakiin dhibaatada ayaa ah in ay gacmohooda ka baxsatay fursadaas”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*