Rio Ferdinand Oo Mason Greenwood Bar-Bar Dhigay Laba Halyeey Oo Premier League Ka Soo Ciyaaray.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa da’yarka Man United ee Mason Greenwood bar-bar dhigay Halyeeyada reer England ee Jermain Defoe & Wayne Rooney kadib 2-dii gool ee uu ka dhaliyay kooxda Bournemouth.

Xiddiga 18 irka ah ayaa ku bilowday shaxda kooxda Man United kulankii Bournemouth waxana uu dhaliyay 2 gool kulankii ay Man United 5/2 ku badisay.

Ferdinand ayaa Twitter-ka kaga fal celiyay ayaa yidhi” Woow! Greenwood waa…. Halka kalmad ee aan ku qeexi karo ayaa ah in uu yahay xiddig Arxan daran”.

“Greenwood, waxa aan ka hadlaynaa wiil yar, ma doonayo in aan cadaadis saaro laakiin waxa uu ciyaarayo waliba sida kulankii Bournemouth waxa uu u qalmaa Amaan”.

“Waxa uu kubad u laadaa si deg-deg ah, waxa jira xiddigo hore oo sidaas u ciyaari jiray waana Defoe iyo Rooney waxana uu leeyahay kalsooni uu ku qabo awoodiisa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*