Rio Ferdinand Oo Man United U Sheegay Halka Goolhaye Ee Ay Ula Soo Saxiixan Karaan Badalka David de Gea.

Halyeeyga Manchester United Rio Ferdinand ayaa si weyn u difaacay David de Gea Waxana uu aaminsanyahay in uu Inuu weli yahay goolhaye heer sarre ah isaga oo magacaabay Halka Goolhaye ee badali kara.

Goolhayaha reer Spain ku dhibaatoonaya qaab ciyaareedka tan ilaa dib u bilaabashadii xilli ciyaareedka isaga oo mar kale sameeyay 2 khalad oo waaweyn kulankii Semi-finalka FA Cup ee ay United guuldarada kala kulantay Chelsea.

Waxa jira dad Man United ugu baaqaya in ay dib u soo celiso Goolhaye Dean Henderson si uu badal ugu noqdo Goolhaye De Gea kadib khaladkii uu sameeyay laakiin Ferdinand aya weerar ku qaaday dadkaas isaga oo sheegay in uu Goolhayaha Atletico Madrid ee Jan Olak yahay Goolhayaha kaliya ee buuxin kara booska Dea Gea.

Isgaa oo la hadlaya BT Sport ayuu Ferdinand Yidhi”De Gean waxa uu samaynayay khaladaas, haatan kalsoonidiisu aad ayay u hoosaysaa”.

“Laakiin Waxa uu leeyahay awood uu dib ugu soo laabto”.

“Markii uu yimid Man United isaga oo 19 jir ah waxa jirtay su’aalo laga keenay awoodiisa laakiin waxa uu muujiyay in uu noqon karo Goolhayaha 1-aad ee Man United”.

“Dean Henerson waa Goolhaye da’yar ah laakiin wali waa khatar in uu u ciyaaro Man United kaliya Goolhaye Oblak ayaa noqon kara Badalka David De Gea”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Musharaxa Madaxtinimo Ee Dalka Maraykanka Oo Balan Qaad U Sameeyay Dadka Muslimiinta Ah Soona Xigta Xadiiskii Nabi Mohamed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*