Rio Ferdinand Oo Magacaabay Xulka Ku Guulaysan Doona Euro 2020

Rio Ferdinand ayaa weli kalsooni ku qaba in England ay ku guuleysan doonto Euro 2020 ka dib markii uu daawaday Italy iyo Spain oo ku dagaalamaya inay u soo baxaan finalka.

Italy ayaa goosatay tigidhkooda Final-ka euro 2020 kadib markii ay garaaceen Spain Salaasadii iyaga oo iska xaadiriyay Final-ka kaib markii ay rikoodhayaal kaga badiyeen xulka Spain.

Xulka Italy ayaa haatan sugaya midkood xulalka England iyo Denmark si ay Axada dambe ugula kulmaan final-ka euro 2020 kulan ka dhici doona garoonka Wembley.

Ferdinand ayaa ku kalsoon in uu xulka England soo afjari doono koob la’aanta ka haysata tartanka Euro-da kuna guulaysan doono koobka.

“Macno malahan cida iska xaadirisay Final-ka sababta oo ah waxa aan rumaysanahay in uu xulka England garaaci karo labada xulba”ayuu  Ferdinand u sheegay BBC Sport.

“Waxa aan dareensanahay in uuna jirin xul la tartami kara England haatan, Kalsoonida aan haysano, waxa laga yaabaa in ay dadku u maleeyaan in aan deg-degayo laakiin waxba igama galin”.

“Waxa aan ilaa haatan Arkay, xulka England ayaa ah midka ugu ficianee tartanka wuuna garaaci karaa Italy”ayuu sii raaciyay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*