Rio Ferdinand Oo Magacaabay Xiddiga Ugu Fiican Tartanka Euro 2020 & Xulka Ku Guulaysan Doona Koobka Caawa

Rio Ferdinand ayaa ku qanacsan in xulka England si cajiib ah ku dhamaysan doonto euro 2020 kuna guulaysan doonaan Euro 2020 sanadkan.

Xulka England ayaa iska xaadiriyay Final-ka euro 2020 markii ugu horaysya taariikhdooda waxana ay la ciyaari doonan xulka Italy kulanka kama dambaysta ah.

Ferdinand ayaana aaminsan in uu xulka England ku guulaysan doono koobka euro 2020 sanadkan korna u qaadi doono koobka euro-da markii ugu horaysay taariikhdooda.

Wuxuu u sheegay BBC: ‘Waxaan ahay kan ugu sarreeya adduunka, Ninka ugu qancin badan adduunka in aan ku guulaysan doono, waxa aan xalay u seexday si cajiib ah, hurdadii ugu wanaagsaneyd ee aan soo maray sannado”.

“Waxa aan aaminsanahay in ay jiraan xiddigo si fiican u seexday waliba u soo kacay si ka duwan sidii caadiga ahayd”.

“Wax kasta oo dhaca maanta Raheem Sterling ayaa ah xiddiga ugu fiican tartanka Euro 2020 100%”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*