Rio Ferdinand Oo Magacaabay Xiddiga Liverpool Ah Ee Uu Cadaadiska Weyn Fuulay Kadib Guushii Atalanta.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa sheegay in booska Roberto Firmino ee kooxda Liverpool uu cadaadis weyn ku jiro haatan kadib markii uu Diogo Jota qaab ciyaareed cajiib ah u soo bandhigay kulankii Atalanta.

Xiddiga Jota oo xagaagii kaga soo biiray Wolves ayaa loo keenay badalka mustaqbalka fog ee Liverpool laakiin xiddiga ayaa haatan halis galiyay booska Firmino ee Liverpool kadib markii uu saddexley dhaliyay kulankii Atalanta.

Dhanka kale Firmino ayaa ku dhibaatooday goolka hortiisa kulamadii ugu dambeeyay isaga oo hal gool dhaliyay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo uu Firmino door muhiim ah ka qaatay guulaha Liverpool hadana Ferdinand ayaa sheegay in uu Jota qabanayo shaqo uu Firmino kala bixi karo booska kooxda.

“Weeraryahanada ma waydiisan kartid wax intaas ka badan”ayuu Ferdinand u sheegay BT Sport.

“Kooxda suuqa Liverpool waxa ay qabatay shaqo fiican in ay Klopp u keenaan Jota”.

“Isaguna waxa uu muujiyay tayadiisa isaga oo 3 gool dhaliyay kulan weyn oo yurub ah.

“Waxa aan hubaa in uu Haatan cadaadis saaran yahay Firmino si uu booskiisa u sii haysto”.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Somaliland Oo Xukun Adag Oo Lacag & Xabsi Isugu Jira Ku Riday Agaasimaha Guud Ee TV-ga Astaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*