Rio Ferdinand Oo Magacaabay Kooxda Premier League Ee Ku Fiican Philippe Coutinho.

Xiddigii hore ee kooxda Man United Rio Ferdinand ayaa magacaabay kooxda uu Philippe Coutinho kaga biiro Premier League hadii uu ku soo laabto horyaalka.

Mustaqbaka Philippe Coutinho ayaan ilaa haatan kala cadayn iyada oo la filayo in uu isaga tagi doono kooxda Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli ay wararku sheegayaan in uu ku soo wajahan yahay premier League.

Rio Ferdinand oo su’aalo iyo jawaabo ku qaadanaya Twitter-kiisa ayaa yidhi” Coutinho waa xiddig fiican oo cajiib ah laakiin ma joogo halkii uu markii hore joogay”.

“Waxa uu ku dhibaatooday Barcelona haatana Bayern Munich kuma soo laaban qaab ciyaareedkiisii fiicnaa”.

“Waxa uu u baahanyahay in uu ku soo laabto premier League waliba kooxda Tottenham ayaa ah kooxda ugu fiican ee uu ku soo baxayo premier League”.

Advertisements

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanah: Samaynta Caafimaad Ee Uu Kulanka Sariirta Joogtada Ah Ku Yeesho Jidhka, Akhriso Xogan Muhiimka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*