Rio Ferdinand ayaa shaaciyay saadaashiisa cusub ee horyaalka Premier League kadib markii Manchester United ay si lama filaan ah uga adkaatay kooxda difaacanaysa horyaalka, Liverpool.
Kooxda Arne Slot oo ah kooxda difaacanaysa horyaalka ayaa la kulantay guuldaradii 4-aad oo xidhiidh ah kadib markii ay guuldaro 2/1 ah kala kulantay Man United.
Bryan Mbeumo ayaa kooxda martida ah hoggaan u dhiibay daqiiqaddii labaad kadib markii garsooraha Michael Olivier uu muran badan dhaliyay markuu ciyaarta sii waday inkastoo Alexis Mac Allister uu dhaawac madax ah soo gaadhay.
Guuldaradaas ayaa Liverpool dhigtay kaalinta 4-aad ee kala saraynta premier League iyaga oo 4 dhibcood ka dambeeya kooxda hogaaminaysa horyaalka ee Arsenal.
Markii la weydiiyay cidda uu u saadaalinayo premier League kadib guushii Man United ayuu yidhi “Kahor inta aan xilli ciyaareedkan bilaaban, waxaan iri: Arsenal – tani waa fursadooda ay ku hanan karaan horyaalka.”
Ferdinand ayaa hadalkiisa sii raaciyay:
“Waxaan dareemayay in ay khasab ku tahay inay sanadkan ku guuleystaan, ma aysan awoodin inay markale kaalinta labaad galaan. Waxay haystaan koox cajiib ah oo ciyaartoy ah, waxaana laga yaabaa inay tahay kooxda ugu qoto dheer (ugu beddel fiican) horyaalka.
“Waxay si fiican u xoojiyeen kooxda xagaagan, waxayna mar kale heleen dariiq ay guul ku gaaraan kulankii Fulham shalay. Aniga ahaan, iyaga ayaa ah kuwa aan u saadaalinayo inay ku guuleystaan Premier League.”
Be the first to comment