Rio Ferdinand Oo Magacaabay 5-ta Xiddig Ee Reer Africa Ee Ugu Fiican Taariikhda Premier League.

Rio Ferdinand ayaa Sadio Mane u magacaabay mid ka mid ah shanta ciyaartoy ee Afrika ugu fiican taariikhda Premier League kadib markii uu u wareegay Bayern Munich.

30-sano jirkaan ayaa ka tagay Liverpool ka dib lix xilli ciyaareed oo uu la joogay Reds, isagoo dhaliyay 120 gool 269 kulan oo uu saftay, waxaana uu kula guuleystay lix koob.

Kadib markii la xaqiijiyay ku biiristiisa Bayern Munich, Halyeeyga Man United ayaa ayaa magacaabay 5-ta xiddig ee Africa ka soo jeeda ee ugu fiican prmeier League.

Ferdinand ayaa baraha bulshada soo dhigay””Ma jiro nidaam gaar ah; [Didier] Drogba, Salah, Mane, Yaya Toure, [Michael] Essien.” Kabtankii hore ee England ayaa intaas ku daray:[Riyad] Mahrez wuxuu ku guuleystay koobab, waxaan jeclaa Jay-Jay [Okocha] sidoo kale”.

Salah iyo Mane ayaa ka mid ahaa xiddigihii ka soo jeeday Africa ee qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay sanadihii ugu dambeeyay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*