Rio Ferdinand Oo Magaacbay 3 Xul Oo Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga.

Daaficii hore ee England iyo Manchester United Rio Ferdinand ayaa aaminsan in seddex xul oo kaliya ay awoodaan inay ku guuleystaan ​​Euro 2024.

Koobka Qaramada Yurub ee sida weyn loo wada sugayo ayaa bilaabanaya Jimcaha soo socda iyadoo martigelinayasha Germany ay la ciyaari doonaan Scotland garoonka Bayern Munich ee Allianz Arena.

24-xul oo ka kala socda qaarada Yurub ayaa isku dayaya inay gaaraan Final-ka 14-ka July isla markaana ay xaqiijiyaan koob uu dhawaan qaaday xulka Talyaaniga oo rigoorayaal kaga qaaday England finalkii Euro 2020.

Ferdinand, oo ah halyeey England u saftay 81, ayaa si dabiici ah u doonaya seddexda libaax inay soo afjaraan 58 sano oo ay sugayeen koob weyn, waxaana uu u arkaa kooxda Gareth Southgate mid ka mid ah seddexda xul ee ugu cad-cad tartanka.

Ferdinand ayaa sidoo kale aaminsan in xulalka France iyo Portugal yihiin xulalka kale ee ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka.

Ferdinand ayaa yiri: “Waxaan rabaa inaan nasiib wacan u rajeeyo Xulka Scotland iyo xulka England”.

“Waxa aan aniga ahaan waxa aan qabaa in xulalka Portugal, England iyo France yihiin kuwa ugu cad-cad, ma arko cid kale”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga