Rio Ferdinand Oo Kashifay Waxa Man United Ka Hor Istaagi Doona Man United Ku Guulaysiga Premier League.

Rio Ferdinand ayaa aaminsan in Manchester United ay u baahan tahay inay joojiso dhibcaha ay ku luminayso kooxaha ka baxsan 6-da kooxood ee ugu sareeya premier League ka hor inta ayna ka fikirin ku guulaysiga premier League mar kale.

Ka dib markii ay badiyeen afar ka mid ah shantii kulan ee furitaanka Premier League, United ayaa la kulantay guuldarradii ugu horreysay xilli ciyaareedkan kadib markii ay guuldaro 1/0 kala kulantay Aston Villa.

Kooxda Man United ayaa sidoo kale dhibco lumisay premier League kadib markii ay bar-baro la gashay Everton kulan 1/1 ku dhamaaday.

Daafacii hore ee Man United Ferdinand ayaa kooxdiisii hore u sheegay in ay garaacdo kooxaha yar hadii ay doonayaan in ay u tartamaan horyaalka premier League.

“Waxan u malaynayaa in kulamada kooxaha yar-yar ay yihiin kuwa dhaawacaya Man United waliba ka hor istaagaya ku guulaysiga premier League, waxana bilaabatay arintaas durba xilli ciyaareedkan”.

“Waxa aan dhibco ku luminay kulamadii Aston Villa iyo Everton, waxana ay ahayd in ay Man United badiso kulamada noocaas oo kale ah, hadii aad badiso kulamada kooxaha yar-yar waxa aad ku guulaysanaysaa horyaalka”. ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*