Rio Ferdinand Oo Kashifay LABA Sabab Oo Uu Pierre-Emerick Aubameyang U Diidanyahay Heshiiska Cusub Ee Arsenal.

Halyeeyga kooxda Mna United ee Rio Ferdinand ayaa shaaca ka qaaday laba sabab oo uu xiddiga Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang U Diidanyahay Heshiiska Cusub Ee Arsenal.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa noqday xiddiga ugu deg-dega badan Arsenal ee gaadhay 50 gool oo premier League ah waxana si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda ku ciyaarta Emirates xilli uu heshiiskiisa haatan dhici doono xagaaga dambe.

Inkasta oo uu si maldahan u sheegay in uu diyaar u yahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda hadana Pierre-Emerick Aubameyang ayaan wali mustaqbalkiisa u hibayn kooxda Iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo badan.

Ferdinand ayaana sheegay sababta uu Pierre-Emerick Aubameyang uu u diidanyahay in uu heshiis cusub u saxiix kooxda isaga oo sheegay in uu ciyaarayo ciyaarta loo yaqaano “Chess”.

“Waa ciyaarta Chess-ta”ayuu yidhi Ferdinand markii wax laga waydiiyay mustaqbalka Pierre-Emerick Aubameyang.

“Waxa uu doonayaa in uu helo qiimaha ugu weyn ee suurtagalka ah waxana uu doonayaa in uu Arsenal sugsiiyo heshiiska cusub”.

“Hadii uu wakhti hore ogolaado heshiiska cusub kooxdu uma ogolaanayso qiimo fiican oo mushahar ah”.

“Sidoo kale waxa uu doonayaa in uu ogaado qorshaha suuqa kala iibsiga ee kooxda iyo in uu ogaado xiddigaha ay kooxdu doonayso in ay keento si uu u ogaado in ay Arsenal koobab u tartami karto”.

“Hadii uu laabdaas arin helo waxa uu qalinka ku duugi doonaa heshiis cusub”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*