Rio Ferdinand Oo Kashifay Fariintii Cristiano Ronaldo U Diray Kadib Kulankii Villarreal.

Cristiano Ronaldo ayaa farriin u diray Rio Ferdinand ka dib markii uu guul wakhti dambe ah ku hogaamiyay Man United kulankii Villarreal ee champions League isagoo sheegay inuu ‘ogaa’ inuu gool dhalin doono inkastoo uusan si fiican u ciyaarin.

Xiddiga Ronaldo ayaa gool daqiiqadii 90+5-aad u dhaliyay Man United isaga oo Red Devils ku hogaamiyay guushii ugu horaysay Champions League xilli ciyaareedkan.

Ferdinand ayaana sheegay in uu Ronaldo u sheegay kadib qaybta in uu ogaa in uu dhalin doono gool inkasta oo uuna si fiican u ciyaarin kulanka.

Halyeeygii hore ee United iyo England ayaa yiri:”Ronaldo waxa uu ii soo diray Fariin isaga oo igu yidhi”Si fiican uma ciyaarin kulanka laakiin waxa aan ogaa in aan gool dhalin doono”taasina waa aaminaadda uu qabo.

Sii Akhriso: 3 Dumar Ah Oo Raggu Neceb Yihiin..Waa Kuwee?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*