Rio Ferdinand Oo Ka Fal Celiyay Xiisaha Man United Ee Frenkie de Jong

Rio Ferdinand ayaa si buuxda uga dambeeya u dhaqaaqista Frenkie de Jong ee Old Trafford xilli lala xiriirinayo xiddiga khadka dhexe ee Barcelona.

Red Devils ayaa xaqiijisay magacaabista Erik ten Hag bishii hore, iyadoo ka rajo qabta in uu tababaraha Ajax dib u dhiso kooxda.

United ayaa ku jirta qaab ciyaareed xun xilli ciyaareedkan iyada oo ku dhamaysan doonta dhibicihii ugu yaraa ee kooxdu ka hesho xilli ciyaareed taariikhdeeda premier League.

Kooxda Man United ayaa lala xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee De Jong xilli ay kooxdu suuqa u gali doonto xiddig khadka dhexe ah.

Halyeyga United Ferdinand ayaa aaminsan in ciyaaryahanka khadka dhexe uu u noqon doono kooxda Saxiix cajiib ah.

“Ciyaaryahan sare. Runtii si dhaw ayaan u daawada Inti uu joogay Ajax kulamada champions League”ayuu Ferdinand yidhi.

“Waxa la sheegayaa in uu noqon doono saxiixa ugu horeeya ee Ten Hag, hadii ay dhacdo waxa uu noqon doonaa saxiix fiican wax weyna wuu u qaban doonaa kooxda”ayuu sii raaciyay.