Rio Ferdinand Oo Frank Lampard U Sheegay Labada Boos Ee Uu Haatan Ka Xoojiyo Kooxdiisa

Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa amaanay suuqa ay horay u gashay chelsea laakiin sheegay in ay wali shaqo badan uga hadhsantahay suuqa.

Rio Ferdinand ayaa sheegay in ay Blues u baahantahay in ay la soo saxiixato daafac dhexe iyo waliba Goolhaye cusub si ay koobab ugu guulaystaan koobab xilli ciyaareedka dambe.

Chelsea ayaa 4/1 lagu garaacay Sabtidii kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions league iyaga oo guuldarada kala kulmay kooxda Bayern Munich.

Xilli ay u soo bexeen champions League xilli ciyaareedka dambe laakiin guuldaradii Final-ka FA Cup-ka ayaa dhirbaaxo ku noqotay.

Tababaraha Chelsea ee Lampard ayaa haatanba soo dhaweeyay xiddigaha Timo Werner & Hakim Ziyech waxana la filayaa in ay labada xiddigba horumariyaan kooxdooda.

Laakiin Ferdinand ayaa u sheegay Lampard in uu haatan u jeediyo dareenkiisa xoojinta daafaca iyo waliba Goolhaye cusub.

Ferdinand oo la hadlaya BT Sport ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa in uu Frank qabtay shaqo fiican oo wakhti hore ah suuqa kala iibsiga marka uu la soo saxiixday Werner Iyo Ziyech”.

“Xiddigaha uu keenay waa xiddigo u ciyaari kara heer sare waliba champions League waxan u malaynayaa in ay horumarin karaan xiddigaha haatan kooxda jooga”.

“Laakiin waa in uu boosaska kale eego hadii uu doonayo in uu koobab ku hogaamiyo kooxda”.

“Kooxda waa in uu ku soo daro daafac dhexe iyo waliba Goolhaye xoogan”.

Sii Akhriso: Maleeshiyaadka al-Shabaab Oo Weeraray Saldhig Militari Oo Ku Yaal Bartamaha Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*