Rio Ferdinand Oo Badalay Saadaashiisa Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League

Rio Ferdinand ayaa Man City u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii uu bilowgii xilli ciyaareedka Chelsea u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier League.

Halyeeyga Man United ayaa badalay Saadaashiisa kadib markii ay Man City garaacday chelsea sidoo kale bar-baro 2/2 ah la gashay Liverpool kulan ka dhacay Anfield.

“4-tii kulan ee ugu horaysay xilli ciyaareedka waxa aan horyaalka u saadaaliyay chelsea”.

“3 Ilaa 4 kulan kadib waxa aan u saadaalinayaa Man City sababta oo ah waxa ay ahaayeen kuwo fiican kulamada ay la ciyaartay kooxaha waaweyn”.

“Shaki kuma jiro in ay 99% awood u sheegan doonaan kooxaha premier League kuna guulaysan doonaan horyaalka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*