Rio Ferdinand: Arsenal Waxa Ay Heshay Phil Foden-ka Cusub.

Rio Ferdinand ayaa amaan kala dul dhacay xiddiga rikoodhka jabiyay ee u ciyaara kooxda Arsenal ee Ethan Nwaneri isaga oo ku tilmaamay in uu Arsenal u noqon doono Phil Foden-ka cusub.

Nwaneri ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee kulan ciyaara taariikhda premier League markii uu badal ku soo galay kulankii ay Arsenal 3/0 ku garaacday Brentford.

Xiddiga Nwaneri ayaa jira 15 sano 5 bilood iyo 28 maalin ayaa isku qoray taariikhda premier League kadib markii uu badalay xiddiga Fabio Vieira.

Daaficii hore ee England Ferdinand ayaa aaminsan in da’yarka uu haysto dhamaan tayada uu ku noqon karo xiddig heer sare ah waxana uu bar-bar dhigay xiddiga Man City ee Foden.

“Ma jiro wax shaki ah oo ku saabsan awooda ilmahan,” Ferdinand ayaa u sheegay FIVE channel YouTube.

“Waxa uu noqon karaa Foden-ka Arsenal sababta oo ah labada xiddig aad ayay isugu eegyihiin dhinaca tayada”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*