Rikoorad-dii & Taarikhi-hii Laga Diwaan Geliyey Kulankii Arsenal Guusha Ka Gaadhay Wolves

Kooxda Arsenal ayaa guul ka gaadhay kooxda Wolves kulan ay guushaas lama filaan ku noqotay taageerayaal badan oo Gunners ah marka loo eego rikoodha Arsenal ee kooxaha ka sareeya.

Goolal ay dhaliyeen Bukayo Saka & Alexandre Lacazette ayaa Arsenal ka caawiyay in ay gaadho guul muhiim ah oo ay u qalantay iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Hadaba Halkan waxa aan ku soo bandhigaynaa 4 rikoodh oo laga diwaan galiyay kulankii ay Gunners guusha ka gaadhay Wolves.

Arsenal ayaa markii ugu horaysay tan iyo February 2016, shabaqooda ilaashaday laba kulan oo xiriir ah horyaalka Premier Leageu.

Bukayo Saka ayaa noqday xiddigii 2-aad ee da’a yar ah oo Arsenal gool uga dhaliya Premier League kadib Alex Oxlade-Chamberlain.

Bukayo Saka ayaa noqday xiddigii ugu da’a yaraa taariikhda Arsenal ee kasoo baxa Akademiyada kooxda oo dhaliya Gool Premier League ah.

Alexandre Lacazette ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee martida ahaa premier League tan ilaa bishii February 2019.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Al-shabaab Oo Dishay Masuul Ka Tirsan Baarlamaanka Hirshabelle

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*