Rikoodho Liita Oo Aan Horay Loo Arag Oo Loo Diwaan Galiyay Barcelona Xilli Ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa xilli ciyaareedkeeda ku bilaabatay sida ugu xun marka laga eego dhinac walba iyada oo kooxda Koeman heshay 12 dhibcood 7 kulan oo ay ciyaareen lana kulmeen 2 guuldaro champions League.

Ma jirin cid filanaysay in ay Barcelona sidaas xun ugu bilaabato xilli ciyaareedka xitaa kadib bixitaankii Luonel Messi laakiin kooxda Barcelona ayaa ku fashilantay in ay dhisto koox tartanta.

Waxa cadaatay in ay kooxda Barcelona dhibaatoonayso xilli ciyaareedkan iyaga oo dhaliyay kaliya 11 gool lagana dhaliyay 7 gool halka ayna wax gool ah dhalin champions League isla markaas laga dhaliyay 6 gool 2 kulan.

Sida laga soo xigtay Wargayska Mundo Deportivo, Barcelona ayaa ilaa haatan dhaliyay 11 gool 9 kulan tartamada oo dhan waana intii ugu yarayd ee ay dhaliyaan tan ilaa 2008.

Sidoo kale Barcelona kaliya hal kubad ku laaday goolalasha kooxaha Benfica iyo Atletico Madrid 180-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay.

Kooxda Barcelona ayaa ku fashilmay in ay in ay gool dhaliyaan 4 kulan oo ka mid ah 9 kulan oo ay ciyaareen xilli ciyaareedkan taas oo muujinaysa dhibaatada weerarka  Barcelona.

Sii Akhriso: Sifooyinka Lagu Garto Dumarka Halista Ah Ee Lacagta Jecel Laakiin Iska Dhigaya Kuwo Ku Jecel, Ninow Ka Fogow Waa Dhiig Miirato

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*