Rikoodhka Uu Carlo Ancelotti Ku Leeyahay Atletico Madrid Ka Hor Kulankooda Caawa.

Carlo Ancelotti ayaa isha ku haya inuu kooxdiisa Real Madrid ku hogaamiyo guushii 9-aad oo xiriir ah xilli ciyaareedkan marka ay Los Blancos u safarto Atletico Madrid.

Los Blancos ayaa guul ku bilaabatay tartanka UEFA Super Cup bilowgii bishii hore xilli ay badisay labadii kulan ee ugu horeeyay champions League iyo 5-tii kulan ee ugu horeeyay La Liga.

Ancelotti ayaa markii 20-aad ka hor tagi doona kooxda Atletico Madrid xirfadiisa tababaranimo marka ay Real Madrid matri u noqon doonto kooxda ay jaarka yihiin.

Tababaraha reer Italy ayaa rikoodh isku dheelitiran ku leh kooxda ay jaarka yihiin Real Madrid tan ilaa markii uu ka hor tagay markii ugu horaysay.

Ancelotti ayaa Atletico ka badiyay 7 kulan halka uu bar-baro la galay 5 kulan halka ay Atletico Madrid ka badisay 7 kulan oo kale.

Tababare Ancelotti ayaa 17 jeer ka hor tagay Atletico Madrid isaga oo tababare u ah Real Madrid halka uu laba kulan oo kale hogaaminayay kooxda Bayern Munich.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*