Rikoodhka Mohamed Salah Ee Kooxda Man City Ka Hor Kulanka Anfield.

Kooxda Man City ayaa booqan doonta Liverpool horyaalka premier League kulan ka dhici doona Anfield kana tirsan todobaadkii 7-aad ee horyaalka premier League.

City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo 4/1 ku xasuuqay Liverpool kulankii Anfield xilli ciyaareedkii hore iyaga oo dhulka ku jiiday Kooxda Klopp.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa Rikoodhka Mohamed Salah ku leeyahay kooxda Man City:

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa Man City ka hor tagay 8 kulan tartamada oo dhan waxana uu kala kulmay 2 guuldaro, 5 guul iyo hal bar-baro.

Mohamed Salah ayaa kulamadaas ka dhaliyay Man City 5 gool halka uu sidoo kale caawiye ka noqday 2 kale isaga oo sidaas ku leh rikoodh fiican kooxda Man City.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*