
Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa guul muhiim ah ku hogaamiyay kooxdiisa Arsenal kulan ka tirsanaa horuaalka Premier League todobaadkiisii 32-aad.
Pierre-Emerick Aubameyang ayaa rikoodh cajiib ah kala baxay guushii ay Arsenal ka gaadhay kooxda Norwich City kana tirsanaa horyaalka Premier League.
Goolkii 1-aad ee uu Pierre-Emerick Aubameyang ka dhaliyay Norwich City ayaa ka caawisay in uu dhaliyo goolkiisii 50-aad ee horyaalka premier League waana xiddiga kaliya ee Arsenal sidaas ku sameeyo kaliya 79 taariikhda kooxda.
Sidoo kale Pierre-Emerick Aubameyang ayaa kaalinta 6-aad kaga jira xiddigaha Kulamada ugu yar ku gaadhay 50 gool taariikhda horyaalka Premir League.
Be the first to comment