Richard Keys: Liverpool Waxay Iibiyeen Xiddig Khaldan

Baahiyaha caanka ah ee Bein Sports ee Richard Keys ayaa sheegay in ay Liverpol ahayd in ay iibiso Mohamed Salah halkii ay ka iibisay Sadio Mane suuqii xagaaga.

Liverpool ayaa Mane ka iibisay Bayern Munich halka ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga Mohamed Salah kana mid dhigtay xiddigaha ugu mushaharka badan premier League.

Keys oo la hadlaya Sportskeeda ayaa yidhi””Ma iska dhigi karo inaan xoogaa la yaabay sida adag ee ay Liverpool ku bilaabatay.” Waan hubaa inay arrimuhu si wanaagsan u socon doonaan, laakiin waxay u egtahay inay daalan yihiin, Salah weli waa uu ka fogyahay qaab ciyaareedkisii hore taas oo ah wel-wel dhab ah”.

Wuxuu ku daray: “Waan ogahay inay ku qasbanaayeen in ay midkood iibiyaan Salah ama Mane sababta oo ah heshiisyadooda ayaa dhacayay laakiin waxa ay u muuqataa in ay iibiyeen qofkii khaldanaa inkasta oo uu Mane sidoo kale ku dhibaatoonayo Bayern”.

Salah ayaa dhaliyay 3 gool tartamada oo dhan ilaa haatan xilli ciyaareedka sidoo kale Mane ayaa Bayern u dhaliyay 3 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*