Rice: Si Aan Ugu Ghulaysano Horyaalka Waa In Aan Halkan Arin Samayno.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal, Declan Rice ayaa qirtay in Gunners ay u baahan tahay inay u tartanto koobab.

Rice ayaa sidaas yidhi isaga oo sheegaya in ay kooxdu u baahantahay in ay la soo Saxiixato xiddigo cusub.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa hadlay ka dib markii uu ku hogaamiyay Arsenal inay garaacdo Newcastle United axadii Premier League.

Xusuuso in qeybtii labaad ee ciyaarta gool uu dhaliyay Rice ay Arsenal 1-0 kaga badisay Newcastle garoonka Emirates Stadium.

Isagoo ciyaarta ka dib hadlay, Rice ayaa u sheegtay Sky Sports: “Waxaan rajeyneynaa inaan xoojino kooxda xagaaga, waxaan la soo saxiixaneynaa ciyaartoy badan, sababtoo ah malaha waxaan lumin doonaa dhowr”.

“Kooxda aan haysano iyo tababaraha aan haysano waxa aan u baahanahay in aan koobab ku guulaysano”.

“Sannadka soo socda, waan soo laaban doonaa” Ayuu Sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga