
Laacibka Chelsea Reece James ayaa fariin digniin ah u diray kooxda PSG ka hor kulanka Final-ka tartanka koobka kooxaha dduunka.
Kooxaha Chelsea Iyo PSG yaa u gudbay final-ka tartanka waxana ay haatan ku tartamayaan ku guulaysiga koobka.
Kooxda Chelsea ayaa u gudubtay final-ka tartanka kadib markii ay garaaceen kooxda reer Brazil ee Fluminense.
Kooxda Paris Saint-Germain ayaa 4-0 ku xasuuqday kooxda Real Madrid oo ka mid ahayd kooxaha ugu cad cad ee ku guulaysan kara Champions League.
James wuxuu sheegay intii uu socday shirkii jaraa’id ee ciyaarta in Paris tahay mid ka mid ah kooxaha ugu xooggan adduunka xilligan, laakiin finalka uu yahay hal kulan.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in kooxdiisu ay tallaabo fiican qaaday tan ilaa bilowgii tartanka ka hor final-ka.
Laacibka ayaa tilmaamay in qof walba uu u arko in Saint-Germain ay tahay kooxda ugu cadcad hanashada koobka balse ay ciyaareen finalo badan oo ay ugu cadcad yihiin oo aysan ku guuleysan.
Xiddiga Blues ayaa sharaxay in kooxda ka soo horjeeda ay tahay koox weyn, isla markaana ay noqon doonto kulan adag, laakiin uu heysto koox adag, waxaana uu aaminsan yahay in Chelsea ay ka yaabin doonto qof walba.
Be the first to comment