Real Oo Weeraryahan ka Dooneysa Man City Balse Inter Milan Ayaa Ku Cariirineysa

Ilo wareedyo ayaa qoraya in Real Madrid ay toos ula xariireen wakiilka weeraryahanka Man City ee Aguero , waxa ayna kala hadleen in ay suura gal tahay in xagaaga ay heli karaan

Aguero ayaa ku dhaw xilli ciyaareedkiisii 10-aad ee City , waxa uu u yimid xagaagii 2011-kii xilligaas oo uu ka soo wareegay Atletico Madrid

Sida Sporets Mole soo xiganeyso , Real ayaa xariir toos ah la sameeysay wakiilka laacibka oo ay ku war giliyeen in ay xiiseynayaan saxiixiisa

Sidaas oo ay tahay , hishiiska wiilkaas reer Argentina ee City waxa uu dhacayaa xagaaga dambe , waxa uuna dhowr jeer sheegay in uusan kiu fikireyn in uu City ka huleelo iyadoo uusan dhameysan hishiiskiisa

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Inter Milan iyana ay qeyb ka yihiin xiisha Aguero waliba ay kulan la qaateen wakiilka oo ay ku war giliyeen in Aguero u arkaan badalka Martinez kaasi oo laga yaabo in uu u wareego Barcelona .

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*