Real Oo War Ka Soo Saartay Dhaawaca Marcelo , Imisa Ayuu Garoomada Ka Maqnaanayaa?

Real Madrid ayaa war ka soo saartay xaaladda dhaawac ee garabkeeda bidix Marcelo

Marcelo ayaa ka maqnaaday tababarkii qamiista iyadoo aan la helin faah faahin dheeraad ah oo ku aadan sababta uu maqnaaday

Macalin Zidane ayaa Marcelo ku soo darin liiska kulanka caawa ay la ciyaarayaan Deportivo

Balse Real war goor dhaw ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ka dib baaritaano lagu sameeyay Marcelo ay muujiyeen in uu ka sheeganayo dhaawac muruqa bowdada bidix ah

Real ma aysan sheegin mudada uu maqnaanayo Marcelo oo la xusay in ay ku tiirsanaan doonto sida uu u soo kabsado

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*