Real Oo Loo Badhigay Saxiixa Xiddig U Jooga Bayern Munich , Waa Sidee Xaalka Dhankooda?

Wargeysyada Isbaanishka ayaa shaaca ka qaaday in wakiilo ka socda mid ka mid ah ciyaartoyda Bayern Munich ay u soo bandhigeen adeega kalyantigooda Real Madrid inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ee Marca, adeega ciyaaryahanka Bayern Munich Leroy Sane ayaa loo soo bandhigay Real Madrid xagaagan.

Waxa uu wargeyskaas xusayaa  in intii lagu jiray wada xaajoodka bixitaankii  Luka Jovic ee Fiorentina in  Leroy Sane loo soo bandhigay Real Madrid, maadaama ay labadoodu wadaagaan hal wakiil .

Hishiiska laacibkaas hore Man City ee Bayern Munich ayaa dhacaya xagaaga 2025-ka

Waxaana la sheegay in wakiilada Sani ay ka codsadeen madaxda Real Madrid inay qiimeeyaan xaalada iyo suurtagalnimada in Jarmalku u dhaqaaqo Santiago Bernabeu, iyada oo aan tafaasiil dheeri ah, rajo iyo ballanqaad toona lahayn.

Wargeyska Marca waxa uu xusayaa in Real ku war giliyeen wakiilka Sane in haatan kooxda diirrad saareyn in ciaartooy ay soo iibsadaan mudnaanta koowaadna ay u tahay ka taqalusidda qaar ka mid ah kuwooda.