Real Oo Ka Hadashay Xaaladda Dhaawac Ee Rodrygo , Imisa Ayuu Garoomada Ka Maqnaanayaa?

Kooxda Real Madrid ayaa war ka soo saartay xaaladda dhaawac ee Rodrygo kaasi oo lagu haleelay kulankii Granada .

Laacibaas ayuu dhaawacaas ku gaaray kulankii arbacada xilligaas oo ay kooxdiisa ku badisay laba gool oo nadiif ah

” Baaritaano lagu sameeyay Rodrygo , waxaa cadaatay in uu ka sheeganayo dhaawac muruqa bowdada”.

Sidaas oo ay tahay Real ma aysan sheegin mudada laacibka uu garoomada ka maqnaanayo inkastoo wararka qaar sheegayaan in sedex todobaad uu seegi doono ciyaaraha

Real Madrid ayaa haatan u diyaar garoobeysa kulan ay arbacada la ciyaareyso kooxda Elche kaasi oo la tirsan wareegga 16-aad ee La Ligaha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*