Real Oo Isha Ku Haysa Kubad Sameeye Cajiib Ah Xilli Dhowr Koox Ay Kala Kulmayaan Loolan.

Ilo wareedyo ay qorayaan saxafadada Spain ayaa sheegaya in Real Madrid ay isha ku hayaan in ay dalab ka geeyaan xiddig da`yar ah oo u ciyaara kooxda  Red Bull Salzburg

Real ayaa dhawaanahaan la soo hishiineysay xiddigo da`yar  ah  kuwaaso oo haatan badankooda asaasi ka ah shaxda kooxda Zidane

Dominik Szoboszlai oo ah xiddig kubad sameeye ah ayay haatan Real go`aan ku gaartay in ay dalab ka geeyaan marka suuqa kala  iibsiga uu furmo ,waxa ayna kooxdiisa u bandhigayaan qorshe ah in ay   la soo wareegi doonaan xagaaga balse January kaliya uu dhacayo hishiiska .

Laacibnkaas 20 sano jirka ah ee u dhashay  Hungary ayaa soo bandhigaya heer ciyaareed koox kala diwan soo jiitay waxa uuna ku fiican ka ciyaaridda lambarka 10-aad iyo garabka middig

Sidaas oo ay tahay Real waxa ay loolan kala kulmeysaa Arsenal oo muddo baacsaneysa laacibkaas xilli ay  meel dheerna ay ka sii fiirisanayaan koox ay ku jirto Ac Milan

Dominik Szoboszlai ayaa xilli ciyaareedkaan u dhaliyay kooxdiisa 5 gool halka uu sameeyay 9 kale ka dib 13 kulan ee uu u saftay Red Bull Salzburg

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*