Real Madrid Vs SD Huesca : Wiilasha Zidane Waa Ay Garanayaan Sida Looga Badiyo Huesca

Real Madrid ayaa kulankaan galeysa iyadoo dooneysa in ay ku soo laabato wadada guusha ,waxa uuna macalin Zidane kulankaas galayaa isaga oo rajeynaya in goolhayahiiisa Courtois  diyaar u yahay kulankaas ka dib markii uu si wacan uu uga qeyb galay tababarkii shalay.

Balse waxaa Real kulankaas ka maqnaanaya xiddigo ay ka mid yihiin Carvajal, Alvaro Odriozola, Nacho, Martin Odegaard iyo Mariano Diaz.

Kulanka: Real Madrid Vs Huesca

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 4:00

Garoonka: Alfredo Di Stefano

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

  • Real Madrid waa ay badiyeen labada kulan ee waligood La Ligaha kala ciyaareen Huesca waxa ayna aheyd xilli ciyaareedkii 2018/2019-kii
  • Real  kaliya hal kulan ayay guul dareysteen iyaga oo garonkooda jooga lana ciyaaraya koox ka soo dalacday heerka labaad iyadoo uu hogaaminayo tababare Zidane waxa uuna ahaa kulankii Cadiz ee xilli ciyaareedkaan .
  • Real waa ay guul dareysteen labadii kulan ee ugu dambeeyay garoonkooda dhamaan tartamada ay ku jiraan
  • Huesca ma aysan badin 7-dii kullan ee ugu dambeeyay La Ligaha ee xilli ciyaareedkaan 5 bar bar dhac ayay galeen halka labana  ay guul dareysteen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*