Real Madrid, PSG & Tottenham Oo Isku Baacsanaya Xiddig Premier League Ka Ciyaara.

Kooxaha Real Madrid, Paris Saint-Germain iyo Tottenham Hotspur ayaa dhamaantood lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan saxiixa weeraryahanka Everton Richarlison.

Todobaadyadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka Richarlison ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo Everton ka caawiyay in ay sii joogaan premier League.

Si kasta ha ahaatee iyada oo 2 sano ka dhimantahay heshiiskiisa waxa uu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda Everton.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Real, PSG iyo Tottenham ayaa dhamaantood isha ku haya xaalada xiddiga iyaga oo doonaya in ay u dhaqaaqaan saxiixiisa.

Xaalada dhaqaale xumo ee Everton ayaa la macno ah in ayna kooxdu heshiis cusub ka saxiixan doonin xiddiga 25 jirka ah.

Xiddiga reer Brazil ayaa dhankiisa qirtay in uu doonayo in uu ku biiro koox ka ciyaarta tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.