Real Madrid Oo Xiiso U Muujisay Saxiixa Mohamed Salah Kadib Hadal Ka Soo Yeedhay Xiddiga.

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga kadib hadal ka soo yeedhay xiddiga reer Masar.

Mohamed Salah ayaa diiday in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda Liverpool kadib markii uu kula guulaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Salah oo 28 jir ah ayaa sheegay in uu doonayo in uu ku raaxaysto dabaal daga ku guulaysiga horyaalka premier League oo uuna ka hadlayn mustaqbalkiisa kooxda Liverpool.

Hadalkaas ayaa dhiiri galiyay kooxda Real Madrid kaas oo u muuqda mid si maldahan albaabka ugu furay in uu isaga tago Reds suuqa xagaaga hadii uu dalab weyn helo.

Real Madrid ayaa dhankeeda ku hungawday saxiixa Kylain Mbappe kaas oo xaqiijiyay in uu xilli ciyaareedka dambe sii joogi doono kooxda PSG.

Idaacada LA FM Colombia ayaa sheegaysa in ay Real Madrid haatan dareenkeeda u jeedisay Saxiixa Mohamed Salah Kadib markii ay Ku hungawday saxiixa Mbappe suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Afka Furtay Kana Hadlay Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*