Real Madrid Oo Xasuuqday Celta Vigo, Benzema Oo Wacdaro Dhigay & Saxiixa Cusub Ee Camavinga Oo Shabaqa Soo Taabtay.

Kooxda Real Madrid ayaa xasuuqday kooxda Celta Vigo kulan ka tirsanaa La Liga kana dhacay garonka Santiago Bernabue kaas oo lagu soo laabtay markii ugu horaysay kadib bilo uu dhismo ka socday.

Qaybta Hore:

Kooxda Celta Vigo ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta waxana ay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah xilli ay Real Madrid isla qabsanaysay.

Daqiiqadii 4-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka furitaanka waxana u dhaliyay xiddiga Santi Mina kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Celta Vigo ku hogaaminayso ciyaarta.

Real Madrid ayaa bilowday in ay raadiso wado ay ugu soo laabanayso ciyaarta iyaga oo Celta Vigo ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay goolka bar-baraha ku doonayaan.

Daqiiqadii 24-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga karim Benzema kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah oo ay labada kooxood bar-baro ku yihiin.

Laakiin Bar-Barahaas ayaan muddo dheer sii joogin kadib markii uu xiddiga Franco Cervi kooxda Celta Vigo u dhaliyay goolka 2-aad daqiiqadii 31-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Celta ku hogaaminayso.

Waxa sidas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid ku dambayso ciyaarta inkasta oo ay ahayd kooxda maamulaysa ciyaarta laakiin dhanka natiijada way ku dambaysay.

Qaybta dambe:

Kooxda Real Madrid ayaa qaybta dambe ee ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay ku soo laabtaan ciyaarta xilli ay Celta Vigo difaac ku bilaabatay.

Daqiiqadii 46-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka bar-baraha waxana mar kale u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2 ay Real ugu soo laabatay ciyaarta.

Kooxda Real Madrid ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen dadaalka ay ku doonayeen in ay ciyaarta ku dilaan xilli ay Celta Vigo weeraro qaadayso.

Daqiiqadii 54-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Vinícius Júnior Kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2 ay Real Madrid ku hogaaminayso.

Xiddiga cusub ee Real Madrid Eduardo Camavinga ayaa dhankiisa badal ku soo galay ciyaarta qaybtii dambe isaga oo daqiiqadihii ugu horeeyay u ciyaaray kooxdiisa cusub.

Xiddiga Camavinga ayaa daqiiqadii 72-aad dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay Real Madrid ahna goolka 4-aad ee kooxda Real Madrid isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/2 ay Real ku hogaaminayso.

Xiddiga Karim Benzema ayaa daqiiqadii 87-aad dhaliyay goolkii 5-aad ee kooxdiisa ahna goolkiisii 3-aad ee ciyaarta isaga oo kooxdiisa u dheereeyay hogaanka ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaadhay guul weyn oo ay u qalantay waliba ku muujisay in ay diyaar u tahay xilli ciyaareedka.

Sii Akhriso: Ma Dhacday In Uu Wiil Kuu Yeedho Gacaliso, Hadaba Muxuu Uga Jeedaa, Maxayse La Macno Tahay In Uu Wiil Gacaliso Kuugu Yeedho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*