Real Madrid Oo Xaqiijisay In Xanuunka Korona Laga Helay Xiddiga Karim Benzema.

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay in xanuunka Korona laga helay xiddigeda Kari Benzema kadib baadhitaan uu maray.

Real Madrid ayaa warbixin ku sheegtay in baadhitaan lagu sameeyay xiddiga lagu xaqiijiyay in uu qabo xanuunka Adduunka khaatiga ka dhigay ee Korona.

Karim Benzema ayaa sidaas darteed ka maqnaan doona kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub kadib markii loo sheegay in uu galo karintiil 14 maalin ah.

Real Madrid ayaa ku jirta isku diyaarinteeda xilli ciyaareedka cusub oo uu hogaaminayo Carlo Ancelotti oo shaqada ka badalay tababare Zinedaine Zidane.

Karim Benzema ayaa ku soo laabtay Madrid kadib markii uu soo dhamaystay fasaxii xagaaga kadib markii uu xulka qaranka France kala qayb qaatay tartanka Euro 2020.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Is Jeclaysiisid Soddohdaa Kulanka Ugu Horeeya, 6-dan Wado Ayaa Kaa Caawinaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*