Real Madrid Oo Weerar Dhanka Suuqa Ah Ku Qaadaysa Man City.

Wargeyska “Sport” ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid qorshaynayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga garabka daafaca uga ciyaara Man City ee Joao Cancelo si ay ugu xoojiyaan kooxda xagaaga dambe.

Joao Cancelo, oo 28 jir ah, ayaa maanta noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican booskiisa adduunka, ka dib markii uu xagaagii 2019 u wareegay Manchester City, isaga oo kaga soo biiray Juventus.

Waxa uu Joao Cancelo ku fiicanyahay ayaa ah in uu ka ciyaari karo boosaska daafaca garbaha midig iyo Bidix waxana uu ku soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah.

Wargeyska ayaa tilmaamay in maamulka Real Madrid ay kala xaajoon doonaan Manchester City si ay u helaan adeega Joao Cancelo xagaaga soo aadan.

Laakiin wargayska ayaa sheegay in ayna Real madrid si dhib yar ku heli doonin saxiixa xiddiga maadama uu muhiim ka yahay kooxda Man City isla markaas kooxda Man City dalban doonto lacag aad u badan.

Waxaa xusid mudan in heshiiska Joao Cancelo ee kooxdiisa Manchester City uu dhacayo xagaaga 2027.